Fanaanad sabab lama filaan ah ugu geeriyootay Masrax ay heeso ka qaadeysay (Sawirro)

Fannaanad u dhalatay waddanka Spain, oo qaadda heesaha loo yaqaanno pop-ka ayaa geeriyootay ka dib markii uu ku dhacay bulaleyr ku qarxay goob ay ka socotay munaasabad ay si toos ah uga heeseysay.

Joana Sainz Garcia oo 30 jir ah ayaa xilligaas ka qeyb galeysay bandhig ay sameynayeen kooxda ay ka tirsan tahay oo lagu magacaabo Super Hollywood Orchestra.

Ms Sainz, oo kasoo jeedda magaalada Santander, ayaa lagu soo warramay inay ahayd shakhsiga ugu muhiimsan ee ku jiray kooxda Super Hollywood Orchestra.

Bulaleyr loogu tala galay masraxa ayaa ku qarxay meel u dhow halkii ay taagneyd fannaanadda, waxayna isla markiiba gashay koomo ama xaalad miyir beel ah, iyadoo markii dambena ku geeriyootay isbitaal loola cararay.

Dhakhaatiirta gurmadka deg-degga ah ayaa durba isbitaalka ula cararay Ms Sainz, halkaasoo ay markii dambe ku geeriyootay.

Qiyaastii 1,000 ruux ayaa daawaneysay bandhigga ay fannaanadda ka heeseysay, oo ka socday magaalada Las Berlanas, oo dhinaca waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Madrid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -